Arsenal iyo Deportivo oo ka heshiiyay saxiixa Lucas Perez

Photo published for Deportivo: Lucas Pérez, destino Arsenal

(London) 25 Agoosto 2016 Kooxda Arsenal ayaa silama filaan ah loola xiriiriyay weerar yahanka reer Spain ee Lucas Perez kaas oo soo jiitay tababare Arsene Wenger.

Marca ayaa baahisay in kooxaha Arsenal iyo Deportivo ay ka heshiiyeen iibka 27 jirka reer Spain ee Lucas Perez kaas oo haatan ku sii dhawaanaya xirashada maaliyada Gunners.

Wararka ayaa intaa ku daraya in labada kooxood ay isla meel dhigeen aduun dhan 20 milyan oo euro, waxaana harsan oo kaliya in laacibku uu shuruuda gaarka ah kala heshiiyo kooxda macalin Wenger.

Wargayska ayaa intaa ku daray in Arsenal ay shaacin doonto saxiixa Lucas Perez maanta oo khamiis ah, waxayna saxiixiisa ka faramaroojiyeen kooxda Everton oo aad u doonaysay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close