Schweinsteiger oo af cad ku sheegay inay Man United tahay kooxdii ugu dambeysay uu….

sh

(Manchester) 24 Agoosto 2016. Rugcadaaga reer Germany Bastian Schweinsteiger ayaa ka dhawaajiyay inay Man United tahay kooxdii ugu dambeysay ee ka dhisan Yurub uu u ciyaaro.

Schweinsteiger ayaa si xoogan lala xiriirinayay inuu isaga huleelo Old Trafford kaddib markii loo sheegay inuusan ka mid ahayn qorshaha Jose Mourinho.

Yeelkeede, xiddiga reer Germany ayaa warbixin uu soo saaray ku caddeeyay halka uu yaalo mustaqbalkiisa mar haddii uu ka tago Red Devils.

“MUFC waxay noqon doontaa kooxdii iigu dambeysay ee Yurub,” Schweinsteiger ayaa sidaa ku soo qoray Twitter.

“Waan xushmeynayaa kooxaha kale, laakiin Manchester United waxay ahady kooxda kaliya ee  iga yeeli kartay inaan ka soo tago Bayern Munich.

“Diyaar ayaan noqon doonaa haddii ay kooxda ii baahato. Tani waa waxa kaliya aan ka dhihi karo xaaladeyda iminka.

“Waxaan doonayaa inaan uga mahad noqo taageerayaasha taageeradooda cajiibka ahayd ee usbuucyadii dhawaa.”.

Warbixintan uu soo saaray Schweinsteiger ayaa sii dar dar galineysa qiyaas fikradeedka laga qabo inuu iminka u dhaqaaqi karo horyaalada Mareykanka ama Shiinaha midkood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close