Schweinsteiger oo £2m looga dirayo Manchester United

DEEF15C5E1FF426BAED912A0C29E4922.ashx

(Manchester) 24 Agoosto 2016. Manchester United waxa ay diyaar u tahay in ay £2m ku iibiso Bastian Schweinsteiger, sidaas waxaa laga soo xiganayaa warar hoose.

32 jirka waxaa loo diray in uu la tababarto 23 jirada tan iyo markii uu Jose Mourinho xilka Old Trafford la wareegay.

Sida muuqata Schweinsteiger xitaa ma heli doono daqiiqad kooxda kowaad ah xilli ciyaareedkan waxaana la fahansan yahay in uu kow ka yahay kuwa albaabka loo tilmaamay.

Shabkadda Bild ee ka soo baxda Germany ayaa aaminsan in Schweinsteiger lagu fasaxayo aduun dhan £2m kaddib hal sano oo uu ku sugnaa.

Kooxaho ay ka mid tahay Juventus ayaa ku raad jooga ciyaaryahanka laakiin waxaa mushaakil ku noqonaya mushaarka uu qaato toddobaadkii oo dhan £190,000.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close