Manchester City oo u soo baxday wareegga guruubyada Champions League, markii ay sahal ku martay kooxda Steaua Bucharest… MUUQAAL + SAWIRRO

(Manchester) 25 Agoosto 2016 – Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa u soo baxday wareegga guruubyada Champions League, markii ay si sahlan ku martay naadiga reer Romania ee Steaua Bucharest, waxaana ay ku reebtay cel-celis ahaan goolal gaaraya 6-0.

Waxaa la sii ogaa in Man City ay soo baxayso wareegga guruubyada Champions Legaue, maxaa yeelay kulanka lugtii hore oo ay marti u ahayd Steaua Bucharest ayay ku soo adkaatay 5-0, waxaana kulanka lugta labaad ee gurigeeda ay ku adkaatay markale 1-0.

Kooxda Man City ayaa kulankan sagootin u samaysay goolhayeheeda Hart, kaasoo la filayo inuu kooxda ka tago xagaagan, waxaana ay City doonaysaa inay bedel uga dhigato goolhayihii Barcelona ee Bravo, kaasoo la filayo inay saxiixiisa ku dhawaaqdo saacadaha soo aaddan.

Kulankan ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0 xiddigaha kooxda Man City ayaan qeybtii hore u muuqday kuwo is fahamkoodu yaraa, inkastoo goolka guusha ay la yimaadeen qeybtii dambe.

Weeraryahanka da’da yar ee kooxda Manchester City Kelechi Iheanacho ayaa dhaawac soo gaaray awgiis garoonka laga dhex qaaday kulankan.

Goolka guusha waxa ay Man City uga mahadcelinayaan kulankan Fabian Delph, kaasoo madax qurux badan u dhaliyey 56′ daqiiqo, kaddib karoos uu ka helay Jesus Navas, sidaas ayeyna Man City ugu soo baxday wareegga guruubyada Champions League cel celis ahaan goolal gaaraya labada kulan 6-0.

MUUQAALKA GOOLKII AY KOOXDA MAN CITY KU ADKAATAY HALKAAN HOOSE KA DAAWO:-

SAWIRRO:

1

2 3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

City

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close