Luis Enrique oo qarka u saaran inuu jabiyo rikoor uu horay u dhigay Pep Guardiola

Image result for Luis Enrique and Guardiola

(Barcelona) 24 Agoosto 2016 Tababaraha kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa sii wada jabinta rikooradii uu horay u sameeyay tababaraha reer Spain ee Pep Guardiola.

Mundo Deportivo ayaa baahisay in tababare Luis Enrique uu indhaha ku haayo axada nagu soo aadan guushiisii 100 ee uu ku hogaamiyo kooxdiisa Barcelona kulanka ay u safrayaan Bilbao.

Kulankaas ayaa u noqonaya kii 126 ee Luis Enrique uu layliyo kooxda Barcelona taas oo ka dhigan inuu jabiyo rikoorkii u yaalay Pep Guardiola kaas oo 100 guul kula gaaray Barcelona 139 kulan.

Barcelona ayaa dhalisay 339 gool 100-kii guul ee Guardiola, halka Barcelona-da Luis Enrique oo gaartay 99 guul ay ilaa haatan dhaliyeen 359 gool, waxayna 20 gool ka sareeyaan goolashii waqtigii Guardiola.

Barcelona ayaa laga dhaliyay 108 gool 100-kii guul ee Pep Guardiola halka Barcelona-da Luis Enrique laga dhaliyay 99-ka guul kaliya 91 gool.

Isbar bardhigaan ayaa ka dhigan in Luis Enrique uu dhan walba ka jabiyay rikooradii Pep Guardiola uu ka dhigay kooxda Barcelona waqtigii u dhexeeyay 2008 ilaa 2012.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close