Liverpool oo ku soo biirtay tartanka saxiixa James Rodriguez (Imisa ayeey ku doonaysaa?)

James

(Liverpool) 24 Agoosto 2016 Kooxda Liverpool ayaa noqotay kooxdii ugu danbaysay ee lalaxiriiriyo laacibka qadka dhexe ee kooxda Real Madrid James Rodriguez.

Liverpool ayaa diyaar la ah aduun dhan 51 milyan oo Ginni si ay u soo xerogaliso kabtanka xulka Colombia ee James Rodriguez kaas oo ku dhiban kooxda Real Madrid sida laga soo xigtay Mundo Deportivo.

Tababare Zidane ayaa ku wargaliya James Rodriguez in xiliciyaareed kaan ay ku adkaan doonto inuu ku soo bilowdo kulamada kooxda.

superstitions-of-atletico-real-madrid-james-rodriguez_1n1igkmetmogr1hmbdhkx65d60

25 jirkaan ayaa la ciyaarsiiyay kaliya 18 daqiiqo kulankii Super Cup-ka yurub ay guusha ka gaareen Sevilla, halka furitaankii horyaalka Spain la ciyaarsiiyay kaliya 13 daqiiqo taas oo fariin cad u ah in booskiisa koowaad uu yahay keydka.

James Rodriguez ayaa lala xiriiriyay kooxaha Arsenal, Chelsea, AC.Milan iyo PSG kuwaas oo doonaya inay la wareegaan inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xaggaagan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close