WAA DIIDNEY: Juventus oo ganafka ku dhufatay sharci cusub oo lagusoo rogey horyaalka Talyaaniga! (Waa maxay?)

(Torino) 24 Agoosto 2016 – Maareeyaha ciyaaraha Juventus ee Beppe Marotta ayaa ka hadlay xeer cusub oo dhigaya in laacibiin Talyaani ah lagusoo kordhiyo kooxaha Serie A.

Laga bilaabo fasalkan, kooxaha oo dhami waa inay soo gudbiyaan liis uu ku qoran yahay iskeediyaha 25 laacib oo ay ku jiraan ilaa 4 laacib oo kusoo baxay da’yarta kooxda iyo 4 kale oo sanado mucayin ah horay uga dheeli jirey Serie A.

Waloow aysan farsamo ahaan khasab ahayn in laacibiintani ay Talyaani noqdaan, misna waxaa qorshahan laga leeyahay in fursad lagu siiyo laacibiinta maxalliga ah laguna dhimo qulqulka laacibiinta qalaad.

“Xeerkani wuxuu ka horjeedaa quruxda iyo bandhigga,” ayuu yiri Marotta oo u warramaya Tuttosport. “Waxaannu isku dayaynaa inaanu isbedel ku samayno horyaalka, yeelkeede xeerarka noocan oo kale ihi waa micne la’aan.” ayuu raaciyay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close