Inkaartii isreebreeb-horaadka Champions League ka haysatey kooxaha Talyaaniga oo sii socota! (Imisa jeer ayay hareen?)

(Roma) 24 Agoosto 2016 – Waxaa soo baxay wax inkaar oo kale ah oo kooxaha Talyaaniga ka haysta wareegga isreeb-reebka loo galo ee Champions League.

Kaddib markii ay xalay Roma ku baxday gacmaha kooxda FC Porto waxaa sii kordhay tiradii, iyadoo haatan ay 10 jeer booskan ku hareen 17-kii fasal-ciyaareed ee ugu dambeeyay.

Kooxdii ugu dambaysay ee wareeggan ka gudubta waxay ahayd kooxda AC Milan 00 2013 reebtay kooxda PSV Eindhoven, sidoo kale Rossoneri waxay isreebreebkan kasoo gudubtey 2006-2007 oo ay hanatay Champions League oo ay ka qaadday Liverpool iyadoo reebtay Stella Rossa ama Red Star Belgrade.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close