Arsenal oo markale diirada saaratay daafaca Roma ee Kostas Manolas

Kostas Manolas played as Roma were beaten 3-0 by Porto in Champions League qualifying

(London) 24 Agoosto 2016 Kooxda Arsenal oo baadigoob ugu jirta daafac ayaa markaana diirada saaratay daafaca kooxda Roma ee Kostas Manolas.

Indha indheeyayaasha kooxda Arsenal ayaa la sheegay inay daawadeen kulankii Champions League ee u dhexeeyay kooxaha Roma iyo FC Porto, waxaana la rumaysanyahay in qorshohoodu uu ahaa Kostas Manolas sida ay baahisay DailyMail.

Arsenal ayaa baadigoob ugu jirta daafac dhexe kadib markii ay dhaawacmeen Per Mertesacker iyo Gabriel Paulista, tababare Wenger ayaana diirada saartay daafaca Valencia ee Mustafi kaas oo ay ilaahaatan ku fashilmeen dhamastirka saxiixiisa.

Shkodran-MustafiMAIN

Tababaraha kooxda Valencia ayaa u sheegay Arsenal in Mustafi uusan iib ahayn taas ayaana ku riixaysa kooxda macalin Wenger inay u dhaqaaqaan Kostas Manolas oo diirada u saarnaa Gunners 2-dii sano ee la soo dhaafay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close