Taageerayaasha Celtic oo ku xumeyn ay xiriirka UEFA ku xumeynayaan darteed lacago badan ugu ururiyay FALASTIIN

xi

(Europe) 23 Agoosto 2016. Taageerayaasha naadiga Celtic ayaa adduun dhan 100,000 oo bound u ururiyay hey’ada samfalka Falastiin iyagoo ku dibad baxaya xiriirka UEFA oo kooxda ku soo oogay dacwad ah calanka Falastiin ay luxayeen.

Boqolaal taageero ayaa ka qeyb qaatay bannaan baxyo ka dhacay bannaanka Celtic Park ka hor kulankii isreeb-reebka Champions League ay Celtic la yeelatay kooxda ka socota dalka Israa’iil ee Hapoel Be’er Sheva arbacadii la soo dhaafay iyagoona calamada dalka Falastiin ku dhex lulayay garoonka gudihiisa.

Xiriirka kubbada cagta Yurub ayaa kooxda ku soo oogay dacwad ah inay lulayeen boorar sharci doro ah iyagoona sheeganaya inay goor hore kala sooceen siyaasada iyo ciyaaraha.

Dacawada lagu soo oogay Celtic ayaa ka carreysiisay taageerayaasheeda iyagoo bilaabay olale ay ugu magac dareen Go Fund Me page oo ay ku uririyeen lacago dhan £100,000 oo loogu deeqayo Falastiin.

Guddiga anshaxa ee UEFA ayaana dacwada ay ku soo oogeen Celtic la tacaali doona oo go’aan ka qaadan doona 22-ka bisha September.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close