Sam Allardyce: “Waan kala hadli doonaa Pep Guardiola arrinta goolhaye Joe Hart”

joehart-cropped_tpdauvdapkd61cqbdid356moe

(London) 23 Agoosto 2016 – Sam Allardyce ayaa rajaynaya inuu kala hadlo tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola arrinta ku saabsan mustaqbalka goolhayaha xulka qaranka England ee Joe Hart.

Guardiola ayaa hoos u celiyey Hart, kaasoo ahaa goolhayaha koowaad ee xulka qaranka Ingiriiska iyo kooxda Man City, waxaana inta keydka dhigay uu ka door biday Willy Caballero, kaasoo shabaqa u ilaalinayey Man City, saddexdiisii kulan ee Pep ugu horreysay waayihiisa garoonka Etihad.

Man City waxa ay haatan qarka u saaran tahay inay dhammaystirto saxiixa goolhayaha Barcelona ee Claudio Bravo usbuucaan, taasoo mustaqbalka Hart ee kooxda shaki weyn gelinaysa, kaasoo Man City u saftay kulankiisii ugu horreeyey ku dhowaad 10 sano ka hor.

Macallinka xulka qaranka saddexda Libaax ee Allardyce ayaa doonaya inuu Hart niyadda u dhiso, waxaana uu qorsheynayaa inuu ku soo daro shaxda xulka England ee wajahaya Slovakia kulankooda furitaanka ee isreeb-reebka koobka Adduunka 2018 oo uu ku dhawaaqi doono todobaadka dambe.

sam-allardyce-sunderland_1nai999divaze1nwt9uujofelp

Laakiin tababarihii hore ee kooxaha Bolton Wanderers iyo Blackburn Rovers ayaa ka wal-walsan xaaladda Hart, waxaana uu qiray inay ku adkaan doonto inuu booska koowaad ka helo dalkiisa, haddii uusan kulamo badan u safan kooxdiisa.

“Waxaan aadi doonaa Pep iyo Joe, iyaga ayaana arrintaan kala hadli doonaa ha soo daahdo ama ha soo deg degto, xaqiiqdii marka uu Hart nagu soo biiro maxaa yeelay shaxda waa ku jiri doonaa.” ayuu u sheegay suxufiyiinta macallinka xulka England.

 “Haddii aan heli fursad aan ku aado oo aan arko Pep waxaan jeclaan doonaa si kastaba inaan dhagaysto isaga.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close