RASMI: Xiddigii qadka dhexe ee Chelsea Marko Marin oo ku biiray Olympiacos…+SAWIRRO

(London) 23 Agoosto 2016. Marko Marin ayaa ugu dambeyn soo af jaray afar sano uu ku sugnaa gegada Stamford Bridge ee kooxda Chelsea kaddib markii uu ku biiray kooxda Olympiacos ee dalka Greek.

Xiddiga qadka dhexe ayaa mudadii uu joogay Chelsea u saftay  143-daqiiqo oo qura, afar jeer ayaa lagu diray heshiiska amaahda ah gool oo qura ayuuna u dhaliyay Blues.

Waxaa la xusuustaa in loogu yeeri jiray Messi-ga reer Germany markii uu Chelsea kaga soo biiray Werder Bremen 2012-kii waliba adduun dhan 8-milyan oo bound.

Marin ee amaahda loogu diray kooxaha  Sevilla, Fiorentina, Anderlecht iyo Trabzonspor ayaa iminka ugu dambeyn si rasmi ah uga mid noqday kooxda Olympiacos.

SAWIRRO:

marko

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close