Pep Guardiola oo ka hadlay halka ay mareyso sheekada goolhaye Claudio Bravo

bravo

(Manchester) 23 Agoosto 2016. Goolyahaya Barcelona Claudio Bravo ayaa ku dhawaanaya inuu u saxiixo kooxda Manchester City sida uu xaqiijinayo tababare Pep Guardiola.

Bravo ayaa galabta soo gaaray Ingiriiska si uu u dhammeystiro saxiixiisa kooxda ka arrimisa Etihad Stadium, imaanshiyaha goolhayan ayaa shaki wayn sii galineya mustaqbalka Joe Hart ee kooxda Sky Blues.

Guardiola ayaa saddex kulan ku soo bilaabay Willy Caballero isagoo ka doortay Hart oo si wayn lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqo kooxda Everton.

Mar uu macallinka reer Spain ka hadlayay shirka jaraa’id ee ka horreeya lugta labaad ee kulanka isreeb-reebka Champions League ay kooxdiisu la yeelaneyso Steaua Bucharest ayaa yiri:

“Ma dafiri/inkiri karo wax uu qof kasta ogyahay.

“Laakiin ilaa uu heshiisku ka dhammeystirmo maka jawaabi karo. Barcelona ayaa ahayd kooxda ugu horreysay ee shaacisa inay xiriir la yeelatay Man City  todoba ilaa toban maalmood ka hor.

“Laakiin waan ka xumahay xarfaaney, ilaa uu heshiiska ka dhammeystirmo ama uu ka dhammeystirmi waayo ma hadli karo.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close