Marcelo oo dib loogu soo celiyay safka Xulka Qaranka Brazil

14088956_10210212712936044_190142828_n

(Brasilia) 23 Agoosto 2016 – Macallinka xulka Qaranka Brazil Tite ayaa magacaabay liiska ciyaartoyda xulkiisa u ciyaari doonta is reeb-reebka koobka Adduunka 2018 ee Bisha soo socota ee September, waxaana uu ku soo daray Daafaca Real Madrid, Marcelo oo kooxda ka maqnaa muddo sanad ah.

Marcelo ayaa ka maqnaa xulkiisa tan iyo bishii October 2015, maadaama uusan xulanin tababarihii hore ee Dunga, balse haatan waxa uu qayb ka yahay xiddigaha Brazil u ciyaari doona kulammada Venezuela iyo Colombia isreeb-reebka Koobka Adduunka.

Sidoo kale waxaa xulka si lama filaan ah loogu soo daray Paulinho oo aan tan iyo Koobkii Adduunka 2014 u dheelin qarankiisa, waxaana xiddigaha uu doortay Tite ay kala yihiin:-

GOOLHAYEYAASHA: Alisson (Roma), Marcelo Grohe (Grêmio), Weverton (Atlético Paranaense)

DAAFACA: Dani Alves (Juventus), Fágner (Corinthians), Gil (Shandong Luneng), Marquinhos (PSG), Rodrigo Caio (São Paulo), Miranda (Inter Milan), Filipe Luis (Atletico Madrid), Marcelo (Real Madrid).

KHADKA DHEXE: Casemiro (Real Madrid), Giuliano (Zenit St. Petersburg), Paulinho (Guangzhou Evergrande), Rafael Carioca (Atlético Mineiro), Renato Augusto (Beijing Guoan), Philippe Coutinho (Liverpool).

WEERARKA: Willian (Chelsea), Gabriel Barbosa (Santos), Gabriel Jesús (Palmeiras), Taíson (Shakhtar Donetsk), Neymar (Barcelona).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close