Koscielny oo durba shaki galiyey in Arsenal u loolami karto horyaalka…Sabab?

kos

(London) 23 Agoosto 2016. Daafaca Arsenal Laurent Koscielny waxa uu sheegay in ay dhibaato kala kulmi doonaan Premier League xilli ciyaareedkan maadama dhiniciisa qarash gareynta looga awood batay.

30 jirka waxa uu garoomada dib ugu soo laabtay kulankii ay Arsenal bar bar dhaca 0-0 la gashay Leicester City toddobaadkan.

Koscielny waxa uu ka maqnaa kooxda kulamadii diyaar garawga (Pre-season) maadama uu qeyb ka ahaa safkii France ee fiinaalaha tagay Euro 2016 laakiin waxaa walaac galiyey sida ay isku qarash gareeyeen Manchester City iyo Manchester United.

In Arsenal ay loolan u gali doonto horyaalka, Koscielny waxa uu yiri: ‘Mar walba. Waxaan nahay Arsenal –  waan u dagaalanaa horyaalka. Kulan walba oo aan dheeno in aan badino ayaan rabnaa.

‘Xilli ciyaareedkan wey adkan doontaa maxaa yeelay kooxaha sar sare si weyn ayey isu qarash gareeyeen, lama aamini karo.

‘Laakiin mararka qaar kali kaliga waxaan ka wanaagsan kara wada jirka. Markaa waxaan rabnaa in aan falsafadeena wadano oo aan Kubadda Cagta dheelno.’

Gunners waxa ay xagaagan ku soo biirisay Emirates afar   saxiix  Granit Xhaka, Takumo Asano, Rob Holding iyo  Kelechi Nwakali.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close