Horudhaca kulanka lugta labaad ee isreeb-reebka Champions League kooxaha AS Roma vs FC Porto

Rome v porto

(Rome) 23 Agoosto 2016 – Kooxaha Roma iyo Porto ayaa caawa wada ciyaari doona kulanka labaad ee isreeb-reebka Champions League, iyadoo la xusuusto kulankii lugta hore ay labadan kooxood ku soo kala baxdeen barbaro 1-1.

OGEYSIISKA CIYAARTA:

Kooxaha: AS Roma vs FC Porto

Tartanka: isreeb-reebka Champions League

Saacadda geeska Afrika: 9:45 Habeenimo

Garoonka: Stadio Olimpico (Rome)

Xaqiiqooyinka Kulanka:-

>- Kulankii lugta hore ee ka dhacday dalka Portugal ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ay labadaan kooxood kulmaan muddo 15-sano kaddib.

>- Kooxda FC Porto ayaa wax guuldarro ah la kulmin saddex kulan oo ay tartammada UEFA ku wajahday AS Roma, waxa ay guul ka gaartay hal kulan, halka labada kulan ee kalena ay barbaro ku kala tageen.

>- Rikoodh fiican kuma haysato kooxda FC Porto, marka ay booqato dalka Talyaaniga, 12 kulan oo ay booqatay dalkaasi waxa ay guuldarro la soo kulantay 6 jeer, 3 barbaro ayey ku soo gashay, halka 3 kale ay guul ku soo heshay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close