Gareth Bale oo heshiis cusub lagu abaal mariyay…..(Goorma ayuu Ronaldo isna saxiixayaa heshiiska cusub?)

bale

(Madrid) 23 Agoosto 2016. Maamulak Real Madrid ayaa si adag uga shaqeeyay sidii ay u xaqiijin lahaayeen in Gareth Bale uu sii xirnaado maaliyada cad ee kooxda mustaqbalka fog.

Xiddiga reer Wels ayaa qallinka ku duugay heshiis dheer ilaa 2021.

Kabtanka xulka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa isna lagu wdaa in la shaaciyo heshiiskiisa cusub bisha September ee soo socota, taa oo micnaheedu yahay in labada xiddig ee ugu waa wayn kooxda ay baaqi ku sii ahaan doonaan Estadio Santiago Bernabeu.

Bandhigyadii dhawaa ee Bale uu ka sameeyay Euro 2016 iyo midkii kooxda Real Madrid ee kal ciyaareedkii la soo dhaafay ayaa ahaa kuwa cajiib ah, Madrid ayaana doontay inay ku abaal mariso heshiis cusbooneysiin uu u qalmay.

Mushaarka Bale ayaa sidoo kale kor u dalacay wuxuuna jeebka ku shuban doonaa sanadkiiba 10-milyan oo nadiif ah, isagoo la mid noqon doona dhanka mushaarka Serigo Ramos wuxuuna ka dambeyn doonaa Ronaldo oo ah kan ugu mushaarka badan naadiga.

Ma ahan Bale iyo Ronaldo oo kaliya xiddigaha waqtiga dheer sii joogi doona Bernabeu oo da’yarka Martin Odegaard ayaa isna saxiixaya heshiis ilaa 2021.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close