Chelsea oo laga soo diiday dalab ay ka gudbisay ‘NESTA-HA CUSUB’

3624782_heroa

(London) 23 Agoosto 2016. Kooxda Kubadda Cagta ee Chelsea ayaa laga soo diiday dalab ay AC Milan uga gudbisay daafaca da’da yare ee Alessio Romagnoli, sidaas waxaa laga soo xiganayaa Sky Italia.

Romagnoli, oo lala meel dhigay rug cadaagii Italy Alessandro Nesta, ayaa ku biiray Rossoneri ololihii tagay.

Milan waxa ay xiddiga £21m uga soo iibsatay AS Roma.

90743486
90743486

Iyada oo hada u muuqata mid ku fashilantay saxiixa Kalidou Koulibaly, Blues waxa ay diiradda u weecisay 21 jirka u dhashay Italy, walow Milan la fahansan yahay in ay ka caga jiideyso iibintiisa marka la eego hibada uu leeyahay iyo aayatiinkiisa.

Antonio Conte oo adkaaday labadii kulan ee ugu horreeysay Premier League ayaa si weyn u raadinaya daafacyo uu ku xoojiyo gaashandhiggiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close