LA LIGA: Rikoodhadii laga diiwaan geliyey kulankii barbaraha ku idlaaday ee kooxaha Atletico Madrid iyo Alaves

CqancNWXEAAqSZT

(Madrid) 22 Agoosto 2016 – Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ayaa barbaro ku furtay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan cusub, kaddib markii ay barbaro 1-1 la dhaafi waysay kooxda yar ee Alaves.

Kulankan oo ka dhacay garoonka Vicente Calderon ayey kooxda Atletico Madrid goolka la horreysay waxaana 91’daqiiqo gool ku laad u dhaliyey Gameiro, inkastoo labo daqiiqo kaddib goolkaas uu barbareeyey Manu, kulanka ayaana ku soo dhammaaday gar isku mid ah.

MAN OF THE MATCH: Xiddiga ugu fiican kulankan waxaa loo aqoonsaday Fernando Pacheco oo ah goolhayaha kooxda Alaves.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso rikoodhadii laga diiwaan geliyey kulankii barbaraha ku idlaaday ee dhex maray Atletico Madrid iyo Alaves:-  

>- Antoine Griezmann ayaa 13 gool oo La Liga ah u dhaliyey Atletico Madrid sanadkan 2016, mana jiro ciyaaryahan ka badan xiddigaha ay isku kooxda yihiin, laakiin xalay gool uma dhalin kooxdiisa.

>- Goolkii Kevin Gameiro ayaa ahaa kiisii ugu horreeyey oo uu dhaliyo kulankiisa ugu horreeya ee kooxdiisa cusub.

>- Kooxda Alaves ayaa dhalisay Atletico Madrid shuutka kaliya ee bartilmaameed toos ah oo ay ku tuurtay ciyaarta oo dhan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close