Kadib Vardy iyo Mahrez, laacib kale oo heshiis cusub u saxiixi doona Leicester City (Waa Kee?)

Leicester City v Arsenal - Premier League

(Leicester) 22 Agoosto 2016 Kooxda Leicester City oo wada olole ay ku sii haysanaysa ciyaartoydii u qaaday Premier League xiliciyaareed kii hore ayaa markaana ku sii dhawaanaysa inay heshiis cusub ka saxiixdo Danny Drinkwater.

Sida laga soo xigtay Mirror, Danny Drinkwater ayaa isku diyaarinaya inuu heshiis cusub qalinka ugu duugo kooxdiisa Leicester City isbuucaan.

26 jirka reer ingiriis ayaa qaadan doona isbuucii 100-kun oo Ginni haddii uu saxiixo heshiiska cusub, waa laacibkii seddexaad ee Leicester ay ka saxiixayso heshiis cusub xiliciyaareed kan.

riyadmahrezjamievardy-cropped_p5keot4vn2tnzeoi989gt67b

Jamie Vardy iyo Riyad Mahrez ayeey kooxdu ku guulaysatay inay sii haysato kadib markii ay iska diideen inay katagaan garoonka King Power suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Tottenham ayaa si wayn u doonaysay Danny Drinkwater laakiin laacibka ayaa ogolaaday inuu iska sii joogo kooxdiisa xiliciyaareed kan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close