Kaddib guushii Rio 2016, Mo Farah oo ka fariisanaya Orodada

CqcndaxWcAAZ1ac

(London), 22 Agoosto 2016     –Orodyahanka caanka ah ee Ingiriiska Mo Farah ee labadii tartan ee Olombiko ee ugu dambeysay ku guuleystay 4 Billadood oo Dahab ah ayaa sheegay in uu sanadka soo socda ka fariisanayo cayaaraha, waloow uu xusay in uu rajaynayo in uu ka qayb galo Marathonka Tokyo 2020.

Mo Farah oo 33 jir ah ayaa Sabtidii ku guuleystay Orodkii 5,000m ee Olombikadii Rio 2016, taasoo ay ka sii horreysay biladdii Dahabka 10,000m ee uu gacanta ku dhigay, waxaana uu noqday Orodyahankii ugu fiicnaa ee soo maray taariikhda Boqortooyada Ingiriiska.

“2017, waxaan rajaynayaa in aan soo geba gebeeyo Orodka 10,000 iyo 5,000m, kaddib waynu arki doonnaa inaan ka qayb geli karo Marathon-ka” ayuu yiri Farah.

Orodyahan Mo, ayaa laba sanadood ka hor isku tijaabiyay Marathon-kiisii ugu horreeyay ee ka dhacay London, isagoo galay kaalinta 8-aad, waxaana ciyaaraha Olombikada 2020 ee Tokyo ay da’diisu noqon doontaa 37 jir.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close