Neymar oo iska casilay KABTANNIMADA xulka Brazil

neymar

(Brazil) 21 Agoosto 2016. Neymar ayaa ka dhawaajiyay inuu iska casilay xilka kabtannimo uu u hayo xulkiisa Brazil.

Wiilka reer Brazil ayaa shaaciyay arrinkan kaddib bandhig cajiib  uu dalkiisa ugu hogaamiyay biladii dahabka ee ugu horreysay ciyaaraha Olymbikada. Neymar ayaa laadka xorta oo qurux badan hogaanka ugu dhiibay xulkiisa ka hor inta aan la bar-bareyn wuxuuna u dhaliyay rigooradii guusha ay ku qaadeen bilada dahabka.

Brazil 1-1 Germany (Pens 5-4): Neymar seals Olympics Gold for hosts

Haseyeeshee, guusha kaddib Neymar ayaa shaaciyay inuusan sii xiran doonin kabtannimada isagoo uga tagi doona tababare Tite inuu raadsado badelkiisa.

“Uma qaadan si cadaadis, waa adiga (Saxaafada) kuwa sidaa yiri,” Neymar ayaa sidaa u sheegay TV Globo.

“Laakiin maanta, anigoo horyaal ah, waan iska casilayaa kabtannimada, waan ku faraxsanaa inaan helo, sharaf ayayna ii ahayd, laakiin maanta waan ka tagayaa, Tite wuu dooran karaa kabtan kale.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close