LA LIGA: Real Madrid oo guul sahlan ku furatay horyaalka Spain ee xilli ciyaareedka cusub…(Bale oo yiri anaa jooga)+SAWIRRO

(Spain) 21 Agoosto 2016. Real Madrid ayaa guul sahlan ku furatay horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedka cusub kaddib markii ay 3-0 uga taqalustay kooxda Real Sociedad oo ay marti u ahayd, Gareth Bale oo muujiyay inuu wadi karo kooxda xilli ay maqnaayeen Ronaldo iyo Benzima.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0.

74-ilbiriqsi oo qura ayay ku qaadatay Real Madrid inay dhaliso goolkeedii koowaad ee xilli ciyaareedka cusub.

Karooskii ugu horreeyay ay soo qaadaan ayaa noqday goolkoodii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedka cusub, Daniel Carvajal ayaa dhinac ka keenay kubbada Gareth Bale ayaana madaxa la helay oo xitaa goolhayaha ma uu is dhaqaajin markuu shabaqa dhex dhigay.

Intaan la marin qeybta hore ee ciyaarta daqiiqadii 40-aad Real Madrid ayaa dhalisay goolkii labaad oo waliba ahaa mid aad u cajiib ah.

Xiddig yarahooda Marco Asensio ayaa maskax degan ku dhaliyay kubbad uu meel dheer kaga soo dhiibay Raphael Varane wuxuuna ka dul bootiyay goolhayaha Real Sociedad.

Gareth Bale ayaa dhaliyay goolka saddexaad ee Real Madrid mar seeriga afka lagu hayay dhammaadka ciyaarta, wuxuu gadaal cararay daafacyada wuxuuna ku taabtay shabaqa oo bannaan.

Real Madrid ayaa guushan gaartay xilli ay ka maqnaayeen xiddigo muhiim u ah sida Ronaldo iyo Benzema laakiin kooxda Zidane ayaa muujisay inay heysato shax looga maarmi karo xiddigaha ka maqnaada.

SAWIRRO:

real

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2016/08/21/19/

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2016/08/21/20/

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2016/08/21/20/

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2016/08/21/20/

b b1 b2 b3 b4 b5 b6 b7 b8 b9 b11

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close