Giggs oo sheegay booska ay tahay in laga ciyaarsiiyo Marcus Rashford

Marcus-Rashford-Man-United-Premier-League-702419

(Manchester), 21 Agoosto 2016     –Khabiirkii hore ee Manchester United, Ryan Giggs oo xilligii Louis van Gaal tababare ku xigeen ka soo noqday Old Trafford ayaa ka hadlay booska uu ku haboon yahay in laga ciyaarsiiyo dhaliyaha da’da yar ee United Marcus Rashford.

Rashford ayaa kulankiisii ugu horreeyay United u saftay bishii February xilligaasoo ay United la dheeshay koobka Europa League kooxda FC Midtjylland, waxaana ciyaartaasi uu dhaliyay 2 gool.

waxaa xigay kulan kale oo MU la dheeshay Arsenal, waxaana ciyaaryahankani uu dhaliyay labo gool oo kale.

Rashford xilli ciyaareedkii la soo dhaafay waxa uu dhaliyay 8 gool, balse fursadaha uu ka helay macallinka cusub ee Manchester, Jose Mourinho ayaa aad u xadidan, iyadoo inta badan beddel lee lagu keenayay.

“Waxa uu ku haboon yahay Weerarka dhexe, booskaas ayuu si fiican uga ciyaari karaa” ayuu Giggs u sheegay ‘Sky Sports’.
“Markuu soo galo ciyaartaba wuxuu noqonayaa laacib saamayn deg deg ah sameeya” ayuu sii raaciyay Giggs.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close