Conte oo xooggiisa isugu geeynaya saxiixa Giorgio Chiellini [The Sun]

2828092_heroa

(London) 21 Agoosto 2016. Chelsea waxa ay diyaarineysaa in ay dirto dalab dhan £25 million oo ay ku dooneyso daafaca Juventus Giorgio Chiellini, sidaas waxaa qabta The Sun.

Tababaraha Blues  Antonio Conte waxa uu la soo shaqeeyey Chiellini markii uu majaraha u hayey Juve iyo xulka Italy waxa uuna iminka rabaa dib u midowgooda.

Conte oo adkaaday labadii kulan ee ugu horreeyey Premier League ayaa isha ku haya xoojinta safkiisa Stamford Bridge gaar ahaan waaxda gaashaan dhiga.

Chelsea sidoo kale waxa ay isha ku haysaa saxiixa xiddiga Napoli alidou Koulibaly.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close