Chelsea oo soo wadata Goolhayaha xulka Portugal Eduardo

proxy

(London), 21 Agoosto 2016       –Kooxda Kubadda Cagta Chelsea ee Ingiriiska ayaa qorshaynaysa in ay xoojiso safkeeda iyadoo doonaysa in ay la soo wareegto Goolhayaha kooxda Dinamo Zagreb, ahna goolhayaha xulka Portugal Eduardo.

Sida ay ku warramayso ‘Sky Sports’, Chelsea ayaa maalmaha soo socda gacanta ku soo dhigi doonta goolhayahan 33 jirka ah ee Portugal u horseeday guushii weyneyd ee Koobkii Qarammada Yurub 2016 ee Faransiiska.

Haddii Chelsea ay xaqiijiso Eduardo waxa uu mugdi geli doonaa mustaqbalka goolhayaha 2-aad ee naadiga Blues Asmir Begovic, kaasoo haatanba lala xiriirnayo kooxda Everton.

Thibuat Courtois ayaa xilli xiyaareedkan ku bilowday goolhayaha lambarka 1-aad ee Chelsea, waxaana Eduardo uu u muuqdaa inuu u noqonayo ku xigeenkiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close