Buffon; “Pogba wuxuu isoo xusuusinayaa Zidane iyo Platini”

CqPDzsmWYAAHxHS

(Turin), 21 Agoosto 2016  –Goolhayaha kooxda Juventus iyo xulka Talyaaniga Gigi Buffon ayaa aad u amaanay isla markaana sheegay inuu aad uga xun yahay in kooxdiisu ay dirto xidigga Khadka Dhexe ee Faransiiska Paul Pogba oo heshiiskii ugu qaalisanaa taariikhda Kubadda Cagta ugu wareegay kooxda Manchester United (110 Milyan oo Euro).

Buffon ayaa Pogba la bar bar dhigay xiddigihii hore ee Faransiiska iyo Juventus Zinedine Zidane iyo Michel Platini.

Wareysi uu Buffon siiyay ‘Sky Sports’ qaybteeda Ingiriiska ayaa waxa uu yiri; “Pogba waa laacib dagaalyahan ah inta lagu guda jiro garoonka, wuxuuna leeyahay xirfado fara badan, isagoo 23 sano jir ah ayuu leeyahay farsamo cajiib ah oo uu kubadda u xukumo isla markaana ugu gudbiyo difaaca ka biloow illaa weerarka, dhab ahaantiina way na xanuujinaysaa u wareegistiisii Man United xilli ciyaareedkan”.

“Pogba wuxuu isoo xusuusinayaa halyeeyadii hore ee Michel Platini iyo Zinedine Zidane” ayaa laga hayaa Buffon.

Ciyaaryahan Pogba ayaa 4 jeer oo xiriir ah la qaaday kooxda Juventus Horyaalka Talyaaniga tan iyo markii uu ku soo biiray, isagoo sidoo kalena la soo gaaray ciyaartii kama dambeysta ahayd ee UEFA Champions League 2015  ee Juventus ay khasaarada kala kulantay Barcelona.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close