Arsene Wenger oo xaqiijiyay inay wada hadalo kula jiraan Shkodran Mustafi

wenger

(London) 21 Agoosto 2016. Tababare Arsene Wenger ayaa ku rajo wayn in Arsenal ay dhammeystiri doonto saxiixa daafaca Valencia Shkodran Mustafi.

Gunners ayaa usbuucyadii dhawaa si xoogan lala xiriirinayay inay u soo dhaqaaqaan daafaca reer German balse waxay weli ku guul darreysanayaan inay heshiis gaaraan.

Macallinka reer France ayaa sheegay in wada hadalada ay weli socdaan balse wuxuu qiran jah wareerka ka heysta baadi goobka uu ugu jiro bartilaamaameedyada ku haboon kooxdiisa.

Shkodran Mustafi

Mustafi? Waxaan rajeynaynaa inay dhammeystirmi doonto,” Wenger ayaa sidaa u sheegay SFR Sport.

“Waxaan ku dhibtoonaynaa inaan helno ciyaartoyda aan u baahannahay.

“Wuxuu ka mid yahay isaga ciyaartoy dhowr ah oo aan eeganeyno. Wada hadaladu way socdaan.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close