Xulka Nigeria oo helay biladaha MAARTA kaddib markii ay garaaceen Honduras..+SAWIRRO

(Brazil) 20 Agoosto 2016. Xulka Nigeria ayaa galay kaalinta saddexaad ee ciyaaraha Olembikada adduunka ee kubbada cagta kaddib markii ay 3-2 ku mareen xulka Honduras.

Qeybtii hore ee kulanka loogu tartamayay kaalinta saddexaad ayaa lagu kala nastay 1-0 oo uu ku hogaaminayay xulka Nigeria waxaana u saxiixay Umar Sadiq daqiiqadii 34-aad.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta labo daqiiqo uun kaddib waxaa goolka labaad u saxiixay xulka ka soo jeeda qaarada Africa Aminu Umar.

Umar Sadiq ayaa dhaliyay goolkiisii labaad iyo goolkii saddexaad ee xulkiisa daqiiqadii 56-aad ee ciyaarta.

Xulka Hoduras ayaa dadaalay oo isku dayay inay bar-bareeyaan ciyaarta balse waxay dhaafi waayeen labo gool oo ay u kala saxiixeen Anthony Lozan iyo Anthony Lozan daqiiqadihii 71-aad iyo 86-aad.

Caawa waqti dambe ayaa waxaa ciyaarta Finalka wada ciyaari doona xulalka Barzil iyo Germany.

SAWIRRO:

Nigeria's Sadiq Umar (13) celebrates with teammates after scoring against Honduras during the Rio 2016 Olympic Games men's bronze medal football match at the Mineirao stadium in Belo Horizonte, Brazil, on August 20, 2016.  / AFP PHOTO / GUSTAVO ANDRADE

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close