RASMI: Christian Benteke oo noqday laacibkii afaraad ee ugu qaalisanaa Liverpool kaddib markii ugu biiray Crystal Palace… + SAWIRRO

(London) 20 Agoosto 2016 – Xidiggii kooxda Liverpool ee Christian Benteke ayaa dhammaystiray heshiis 32 milyan oo gini ah oo ugu biiray Naadiga Crystal Palace, wuxuuna u saxiixay heshiis afar sanadood ah.

Weeraryahankan xulka qaranka Belgium ayaa shalay tijaabada caafimaad u maray kooxdiisa cusub, ka hor inta uusan heshiis shaqsi ahaaneed oo la aamiinsan yahay inuu ku kacayo 120 milyan usbuucii la galin.

Christian Benteke oo noqday laacibkii labaad ee ugu qaalisanaa Reds markii ay kala soo wareegeen Aston Villa xagaagii hore ayaa iminka saxiix rikoodh ah u noqday kooxda Crystal Palace.

25-sano jirkaan ayaa sidoo kale noqday laacibkii afaraad ee ay iska iibiso kooxda Liverpool, kaddib Raheem Sterling, Luis Suarez iyo Fernando Torres.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO WAREYSIGIISII UGU HORREEYEY BENTEKE MARKII UU KU BIIRAY PALACE:-

SAWIRRO:

B2

b1

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close