HOR DHAC: Leicester City Vs Arsenal

maxresdefault

(Leicester) 20 Agoosto 2016. Labadii kooxeed ee ugu sarreeyey horyaalka heerka kowaad ee England ayaa toddobaadka labaad ee Premier League ku loolami doona gegida King Power.

Dhinacyadan waa laga wada badiyey kulankii ugu horreeyey ee horyaalka toddobadkii tagay waxaana wada dharbaaxay Hull City iyo Liverpool.

WARARKA LABADA NAADI

Leicester City

– Robert Huth waxa uu ka soo laabanayaa ganaax isaga oo la midoobi doona Wes Morgan.

– Claudio Ranier   waa uu is badal ku sameyn karaa safkii guul daradda kala kulmay bilowgii horyaalka Hull City.

Arsenal

– Mesut Ozil, Laurent Koscielny iyo Olivier Giroud dhamaan waxa ay u muuqdaan kuwo ku soo bilaaban doona kulankan.

-Waxaa dhaawac ku maqnaan doona Aaron Ramsey and Alex Iwobi, Per Mertesacker, Gabriel, Danny Welbeck, Carl Jenkinson iyo Jack Wilshere.

– Granit Xhaka iyo Santi Cazorla wey ku soo bilaaban doonaan dhexda Gunners sida la filayo kaddib markii ay keydka ka soo galeen kulankii Liverpool.

LA SOCO

-Leicester City 19 kulan kama aysa badin Arsenal horyaalka Premier League (6 bar bar dhac ah iyo 13 guul darro). Labadii kulan ee ololihii hore waa laga badiyey.

-Arsenal afar saddexleey ayey ka dhalisay Leicester Premier League (Dennis Bergkamp, Nicolas Anelka, Thierry Henry iyo  Alexis Sanchez),tiradaas waxa ay kala siman tahay Manchester United oo ka dhalisay Newcastle United waana saddexleyda ugu badan ee koox laga dhaliyo England horyaalkiisa kowaad.

– Simon Royce waa goolhayaha qura ee Leicester soo maray oo shabaqa ka ilaashada Arsenal, waxa uu sidaas sameeyey 2001.

-Arsenal waligeed ma aysan guul darreysan labada kulan ee ugu horreeya Premier League tan iyo 1992/93.

SAFAFKA LA FILI KARO

Leicester: Schmeichel; Simpson, Hernandez, Morgan, Fuchs; Mahrez, Mendy, Drinkwater, Gray; Musa, Vardy

Arsenal: Cech; Bellerin, Koscielny, Chambers, Monreal; Xhaka, Elneny, Walcott, Cazorla, Sanchez; Giroud

Gegida: King Power

Saacadda Geeska Africa: 7:30

Dhex dhexaadiyaha: M. Clattenburg

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close