Arsene Wenger oo ka hadlay bar-barihii goolal la’aanta ay la galeen Leicester City

ww

(England) 20 Agoosto 2016. Arsenal oo marti u ahayd kooxda xafidaneysa Premier League ee Leciester City ayaa isku mari waayay bar-baro goolal la’aan ah.

Waxay ahaayeen kuwa yar fursadaha ay isku heleen labada dhinac kulankii ay dhawaan ku ciyaareen King Power Stadium, iyadoo fursadii ugu fiicneyd Gunners uu helay Theo Walcott.

Haseyeeshee, Wenger ayaa aaminsan in kooxdiisu sameysay in ku filan si ay u guuleysato.

“Waxaan aaminsanahay guud ahaan inuu bandhig fiican ahaa, kulan fiican oo u dhexeeyay labo koox oo fiican,” Wenger ayaa sidaaa u sheegay BBC Sport.

Arsene Wenger

“Wuxuu ahaa kulan awood heer sare waxaana rumeysanahay inaan si fiican uga jawaab celinay niyad jabka ubsuucii la soo dhaafay.

“Leicester waa koox fiican, bilaash uguma guuleysan horyaalka xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, kaliy saddex kulan ayay guul dareysatay.

“Waa inaan dagaalannaa ilaa dhammaadka. Waan guuleysan karnay ama waan guul darreysan karnay 20-kii daqiiqo ee ugu dambeysay ciyaarta.

“Waxaan doonay inaan guuleysano kulanka waxaana ku dhammeysanay ciyaarta iyadoo ay shan weeraryahan garoonka noogu jiraan.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close