Wenger oo doonaya inuu heshiis cusub ka saxiixo Serge Gnabry

Serge Gnabry has made 18 appearance for Arsenal since joining in 2011

(London) 19 Aoosto 2016 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa beegsanaya inuu heshiis cusub ka saxiixo laacibka garabka weerarka ka ciyaara ee Serge Gnabry.

Sida ay baahisay Sky Sports, kooxda Hertha Berlin ee dalka Jarmalka ayaa soo waydiisay Gunners inay amaah hal xiliciyaareed ah ku hesho Serge Gnabry.

Laacib kaan ayaa 5 sano oo heshiis ah u saxiixay kooxdiisa Arsenal 2013, wuxuuna amaah hal xiliciyaareed ah ugu biiray West Brom xaggaagii hore laakiin fursad uma helin inuu boos joogto ah ka helo kadib markii uu ka soo muuqday kaliya 3 kulan.

Sky Sports ayaa fahansan in tababare Arsene Wenger uu doonayo inuu heshiis cusub ka saxiixo Serge Gnabry kaas oo wacdaro ka dhigaya ciyaaraha Olombikada aduunka ee Rio 2016.

Serge Gnabry has been playing for Germany at the ongoing Olympic Games

Serge Gnabry ayaa ka soo dhaqaaqay kooxda Stuttgart 2011 markaas oo uu ku soo biiray Arsenal isaga oo ah 16 jir, wuxuuna ka soo muuqday 18 kulan oo ay ku jirto 5 kulan oo Premier League ah.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close