“Waan gacan qaadi doonaa Conte laakiin saaxiibkey ma ahan.”. Mazzarri

conte1

(London)  19 Agoosto 2016. Tababaraha naadiga Watford Walter Mazzarri ayaa gacan qaadi doona tababaraha Chelsea ee Antonio Conte kulankooda berito laakiin wuxuu sheegay inuusan saaxiibkii ahayn.

Labadan macallin ayaa horey isugu soo dhacay marar badan intii uu Conte hayay Juventus iyo Mazarri oo soo maray Napoli iyo Inter Milan.

“Saaxiibtinimadu aad ayay muhiim u tahay. Waan tixgaliyaa Conte shaqsi ahaan iyo tababare ahaan. Aad ayaan u xushmeeyaa, laakiin saaxiibtinimadu waa wax wayn, waa wax kale.” Mazarri ayaa sidaa yiri.

http://images.performgroup.com/di/library/GOAL_INTERNATIONAL/bb/ea/

“Dabcan waan is gacan qaadi doonaa beri. Xitaa waxaan isku gacan qaadnay kulankii tababarayaasha ee bilowga xilli ciyaareedka.

“Wax dhibaato ma jiraan, laakin markale aniga ahaan saaxiibtinimadu aad ayay muhiim u tahay. Waxaan iminka leeyahay saaxiibo yar.”.

Conte iyo Mazarri ayaa markale kulmi doona berito laakiin markan waa horyaalka Premier Leauge iyagoo kala horkacaya naadiyada Chelsea iyo Watford.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close