Pele oo aan ka qeyb qaadan doonin xaflada xiritaanka ee ciyaaraha Olymbikada adduunka

pe

(Brazil) 19 Agoosto 2016. Rugcadaaga reer Brazil ee marka kubbada laga hadlaba la soo xusuusto ee Pele ayaan ka soo qeyb qaadan doonin xaflada lagu xirayo ciyaaraha Olymbikada adduunka ee ka soconaya dalkiisa hooyo, sida ay sheegeen maanta qaban qaabiyayaasha tartanka.

Edson Arantes do Nascimento ee loo garan ogyahay Pele ayaa iska diiday dalab uu uga soo muuqanayo xaflada lagu soo xirayo ciyaaraha Olymbikada sababo la xiriira dhanka caafimaadka.

75-jirka ayaa maray qalliin sinta ah daba yaaqada sanadii la soo dhaafay wuxuuna sheegay inay aad u adkeyd soo kabsashadiisa.

Qaban qaabiyayaasha ciyaaraha ka soconaya Brazil ayaa sheegay inaysan la xiriirin Pele tan iyo sidii uu u soo diiday dalabkooda horaantii bishan.

“Pele kama qeyb qaadan doono xaflada xiritaanka.”. soo saaraha xafladaha Abel Gomes ayaa sidaa u sheegay saxaafadda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close