Naadiga Celtic oo calanka FALASTIIN dartii ganaax kala kulmi karta xiriirka UEFA

falastiin

(Celtic) 19 Agoosto 2016. Xiriirka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa dacwad ku soo oogay naadiga Celtic kaddib markii ay taageerayaasheedu luxeen boorar aan la ogoleen kulankii arbacda ee isreeb-reebka Champions League ay 5-2 uga adkaadeen naadiga Hapoel Be’er.

Ku dhawaad 100 calan oo dalka Falastiin ayay taageerayaasha Celtic ruxayeen kulankii dhawaa ay la yeesheen kooxda ka socota dalka Israa’iil.

UEFA ayaa ka mamnuucday kubbada cagta waxyaabaha ku saabsan siyaasada, waxayna maanta xaqijiyeen in Celtic ay jabisay qodobka 16 (2) ee shuruucdeeda anshaxa.

Waa markii labaad oo Celtic lagu soo oogayo dacwo ah inay taageerayaashooda lulayeen calanka Falastiin, kii hore wuxuu dhacay bishii July 2014 intii lagu guda jiray kulan ay la yeesheen naadiga KR Reykjavik.

Guddiga anshaxa ee UEFA ayaana arrinkan la tacaali doona oo go’aan ka qaadan doona 22-ka bisha September.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close