Enrique iyo Claudio Bravo oo ka heshiiyay waqtiga uu ku biirayo Man City (Waa goorma?)

(Barcelona) 19 Agoosto 2016 Tababaraha kooxda Barcelona ee Luis Enrique ayaa kala heshiiyay goolhayihiisa Claudio Bravo waqtiga uu ku biirayo kooxda Man City ee dalka ingiriiska.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, tababare Enrique ayaa doonaya in Claudio Bravo uu sii ahaado goolhayaha Barcelona ilaa inta uu ka soo caafimaadayo Ter Stegen.

Claudio Bravo ayaa u ciyaari doona Barcelona kulankiisa ugu danbeeya sabtiga markaas oo ay soo dhawayn doonaan kooxda Real Betis, laacibka ayaana kadib u dhaqaaqi doona garoonka Etihad ee magaalada Manchester.

Bravo

Kulamada horyaalada ayaa la hakin doonaa hal isbuuc markaas oo laciyaari doono kulamada xulalka, tababare Enrique ayaana dareensan in Ter Stegen uu ku soo caafimaadi karo waqtigaas.

Claudio Bravo ayaa la arkayay isaga oo ilmaynaya kulankii ay 3-0 uga adkaadeen kooxda Sevilla koobka Super Cup-ka Spain markaas oo uu badbaadiyay gool ku laad.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close