Chelsea oo isku diyaarinaysa inay dalab ka gudbiso Ricardo Rodriguez

(London) 19 Agoosto 2016 Kooxda Chelsea ee dalka ingiriiska ayaa isku diyaarinaysa inay dalab ka gudbiso daafaca kooxda Wolfsburg ee Ricardo Rodriguez.

Mirror ayaa daaha ka qaaday in kooxda Blues ay isku diyaarinayso inay hordhigto dhigeeda Wolfsburg aduun dhan 22 milyan oo Ginni si ay ugu qanciso iibka Ricardo Rodriguez.

Daafaca reer Switzerland ee Ricardo Rodriguez ayaa doonaya inuu ka tago kooxdiisa xaggaagan, laakiin Wolfsburg ayaan diyaar u ahayn inay iska fasaxdo laacibkeeda ilaa ay ka hesho badalkiisa.

Ricardo Rodriquez

Chelsea ayaa aad ugu baahi qabta laacib sifiican uga ciyaari kara booska daafaca bidix, tababare Antonio Conte ayaana diirada saartay haatan Ricardo Rodriguez si Cesar Azpilicueta uu dib ugu laabto booskiisa saxda ah ee daafaca midig.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close