Arsenal oo war wanaagsan ka helaysa dhaawaca Danny Welbeck

Danny Welbeck lays injured during the match between Manchester City and Arsenal at the Etihad Stadium on May 8, 2016

(London) 19 Agoosto 2016 Kooxda Arsenal ayaa war wanaagsan ka helaysa dhaawaca laacibkeeda Danny Welbeck kaas oo la qorsheynayay inuu garoomada ka maqnaado ilaa bisha April ee 2017.

Sida uu xaqiijiyay tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger Danny Welbeck ayaa garoomada ku soo laaban doona xiliga ciida gaalada ee dhamaadka sanadkaan 2016.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Danny Welbeck uu ka soo hormarayo 4 bilood waqtigii horay loo qorsheeyay inuu ka maqnaan doono garoomada.

“Akhbaartu waa mid aad u fiican, wuxuu dib u soo laaban doonaa xiliga ciida Christmas-ka” ayuu yiri tababare Arsene Wenger.

Welbeck ayuu soo gaaray dhaawac halis ah oo dhanka jilibka ah bishii May ee sanadkaan, kaas oo ka hor istaagay inuu xulkiisa ingiriiska u ciyaaro koobkii qaramada qaarada yurub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close