Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo tababar ugu soo xiray maamulka, macalimiinta iyo garsooreyaasha Galmudug magaalada Gaalkayo [Sawirro]

DSC05037

(Gaalkacyo) 18 Agoosto 2016. Waxaa Maanta Magaalada Gaalkacyo lagu soo gabagabeeyay Tababarkii Mudada Shanta Maalmood u socday Macalimiinta,Garsoorayaasha iyo Maamulayaasha Kubadda Cagta Galmudug,kaas oo ay ka qayb-galayeen 70 Xubnood oo ka kala yimid Deegaanada galmudug.

 Munaasabada lagu soo xirayay Tababarka waxaa ka soo qayb galay wasiirka Ciyaaraha Galmudug,Gudoomiyaha Gobalka Mudug,Duqa Magaalada Gaalkacyo,ku xigeenkiisa,Gudiga Olympic-ada Galmudug,Gudoomiyaha Sportiga Gaalkacyo,ku xigeenka Xoghayaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

 Duqa Magaalada Gaakacyo Xirsi Yuusuf Barre oo Munaasabada ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Tabararka Bahda Kubadda Cagta loo qabtay,waxuuna uga Mahadceliyay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed doorka weyn ee ay ka qaateen sidii Bahda Kubadda Cagta ay aqoontooda kor ugu qaadi lahaayeen.

 Gudoomiyaha Gobalka Mudug Cabdirashiid Xaashi Cartan oo isna hadal kooban ka jeediyay Munaasabadda Xiritaanka Tababarka ayaa balan qaaday in ka Maamul ahaan ay garab joogaan Dhalinyarada Kubadda Cagta,isagoona hoosta ka xariiqay inay hada wixii ka danbeeya ay Sportiga Gobalka Mudug kor u qaadi doonaan si uu ula tartamo Gobalada kale ee Dalka.

 Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Xiriirka Kubadda Cagta  Cali Maxamed Axmed oo isna halkaas ka hadlay ayaa si weyn u bogaadiyay ka qayb-galayaashii Tababarka kuwaas oo sheegay  inay yihiin dad tayadoodu iyo aqoontoodu ay wanaagsan tahay islamarkaana ay ku qanceen qaabkii ay wax u baranayeen,wuxuuna ku tilmaamay Dad Maskaxdoodu ay furan tahay Waxbarashaduna ay ka go,an tahay in qaabkii hore ay diyaariyeen qaaab ka sareeya ay wax u bareen.

 Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug Warsame Maxamed Xasan oo soo xiray Tababarka ayaa kula dardaarmay Xubnihii Tababarka ka faa’idaystay inay Cilmigii ay barteen uga faaideeyaan Bahweynta Kubadda Cagta Galmudug,wuxuun Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta uga mahadceliyay Kaalinta ay ka gaysteen Qabsoomida Tababarka.

 Macalimiinta Tababrkan bixinayay ayaa kala ahaa Jamaal Xaashi Tuure,Macalin Cawil Ismaaciil Maxamed ,Macalin Aweys Axmed Jimcaale,Macalin, Xasan Xuseen Kulmiye,waxaana sidookale Macalimiinta Tabbarka bixinayay ka mid ahaa Ku xigeenka Xoghayaha Guud Cali Maxamed Axmed.

DSC05000 DSC05005(1) DSC05010 DSC05011 DSC05013 DSC05016 DSC05028 DSC05033 DSC05037 DSC05056 DSC05059 DSC05063 DSC05064

W/D:Burhaan Cabdulaahi Xaashi

Gaalkacyo

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close