Wiilka tababare Diego Simeone oo ku soo biiray horyaalka Serie A…(Waa kooxdee)+SAWIRRO

(Italy) 18 Agoosto 2016. Wiilka tababaraha Atletico Madrid Diego Simeone ee Giovanni Simeone ayaa ku biiray kooxda Genoa ee ka dhisan horyaalka Serie A lacago dhan 3-milyan oo euro.

Kooxda Genoa ayaa xaqiijisay maanta inay dhammeystirtay saxiixa ay kula soo wareegeyso ina Simeone, waxaana la aamisan yahay in wiilka reer Argentina uu qallinka ugu duugay kooxdiisa cusub heshiis saddex sano ah.

Simeone ayaa u saftay 31-kulan kooxda River lix goolna wuu u dhaliyay isagoo kulankiisi ugu horreeyay u saftay bishii August 2013-kii.

21-jirka amaahda kula joogay kooxda Banfield xilli ciyaareedii la soo dhaafay , ayaa ka soo muuqday xulka Argentina ee ciyaaraha Olymbikada saddex kulan uu badel ku yimid waxa uuna xulkiisa ku haray wareega group-yada.

Ina Simeone ayaa berito oo jimco ah loo soo bandhigi doonaa saxaafada.

SAWIRRO:

CqJvbxMW8AAkpPk

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close