“Uma baahnin saxiixyo cusub.”. Tababare Carlo Ancelotti

anceloti

(Munich) 18 Agoosto 2016. Tababaraha Bayern Munich Carlo Ancelotti ayaan lahayn wax qorshe ah uu ku soo galo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda si uu uga soo iibsado badelka Kingsley Coman iyadoo ay jirto in laacibka reer France uu qabo dhaawac canqowga ah.

Xiddiga ka ciyaara garabka weerarka ayaa garoomada ka maqnaanaya muddo aan la magac dhabin kaddib markii uu ku dhaawacmay tababarka kooxda ee arbacadii.

Yeelkeede, Ancelotti ayaa aaminsan in kooxda xafidanesa Bundesliga ay leedahay quwad ku filan inay daboosho maqnaanshaha Coman.

http://sixthofficial.com/wp-content/uploads/2016/01/

“Waxaan had iyo jeer iraahdaa uma baahni wax saxiixyo ah,” Ancelotti ayaa sidaa ka yiri shirka jaraa’id.

“Waan ku faraxsanahay kooxda aan heysto.

“Ciyaartoyda dhaawacan, way soo laaban doonaan labo ama saddex usbuuc  gudahood, waan sugi karnaa midaa.

“Waxaan rajeynayaa in Coman soo laaban doono fasaxyada kulamada caalamiga kaddib, kuwa yar oo ka mid ah kuwa kalena way ku dhow yihiin inay dib u soo laabtaan.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close