RASMI: Kelechi Iheanacho oo heshiis waqtidheer ah qalinka ugu duugay Man City

(Manchester) 18 Agoosto 2016 Kooxda Man City ayaa shaacisay inay heshiis cusub ka saxiixday da’yarkeeda 19 jirka ah ee Kelechi Iheanacho kadib markii uu la dhacay tababare Pep Guardiola.

Kelechi Iheanacho ayaa laga soo dalacsiiyay da’yarada kooxda Man City xiliciyaareedkii hore markaas oo uu kooxda hogaaminayay tababare Manuel Pellegrini.

Iheanacho ayaa qalinka ugu duugay kooxdiisa Man City heshiis 5 sano ah, wuxuuna sii joogi doonaa garoonka Etihad ilaa June 2021.

Pep Guardiola called Iheanacho a natural goalscorer

Laacib kaan oo la hadlay Webka rasmiga ah ee Man City ayaa yiri: “Ma cabiri karo sida aan ugu faraxsanahay inaan Man City u saxiixo heshiis cusub”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close