Petr Cech oo markii ugu horreysay sharaxaad ka bixiyay shilkii uu galay kaddib guul daradii xanuunka badneyd ay kala kulmeen Liverpool

goolhaye

(London) 18 Agoosto 2016. Kaddib markii ay shabaqiisa ka dhalatay afar gool kulankoodii furitaanka Premier League ay Arsenal guul darada 4-3 kala kulantay Liverpool ayay xaalada ku sii xumaatay goolhaye Petr Cech oo shil la galay baabuurkiisa Audi RS7 ciyaarta kaddib.

Sawirro goolhaye Cech oo ag taagan baabuurkiisa ayaa lagu baahiyay baraha bulshada balse nasiib wanaag wax dhaawac ah kama soo gaarin shilka uu galay.

Cech ayaa qiray inuusan weli hubin sida uu u dhacay shilka.

https://1.bp.blogspot.com/-3I5BELssmGs/V7Lzq-U8IpI/AAAAAAAANjA/FwQVTJ9vj5Y_n5xFDvWkoConLCqbMIM7QCLcB/s1600/

“Waxa dhacay waa inaan jug siiyay tiirka, taasi waa xaqiiqda, way adag tahay in la sheego sida ay u dhacday.” Goolhaye Cech ayaa sidaa yiri mar uu ka waramayay shilkii uu ku dhacay.

 “Waxaan ka soo baxeynay halka la dhigto baaburta waxaana ka hadleynay kulanka isla markiina waxaan maqlay ‘War isjir’ saas ayayna ahayd.

“Qofna wax kuma aysan dhicin, qofkasta wuu fiicnaa, si tartiib ah ayaan u soconay , sida cadna halka baabuurta la dhigo si dheereysa uguma socon kartid, taasina waa halka aan nasiibka ku lahayn.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close