Mateo Kovacic oo ku sii dhawaanaya kooxda AC.Milan

Kovacic

(Milan) 19 Agoosto 2016 Kooxda AC.Milan ee dalka talyaaniga ayaa ku sii dhawaanaysa dhamaystirka saxiixa laacibka qadka dhexe ee kooxda Real Madrid Mateo Kovacic.

Corriere dello Sport ayaa baahiyay in madaxwaynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez uu ogolaaday in Mateo Kovacic uu dib ugu laabto horyaalka talyaaniga.

Tababare Zidane ayaa muujiyay inuu ka maarmo 22 jirka reer Croatia kaas oo kaliya hal xiliciyaareed ku qaatay kooxda boqortooyada Spain.

Mateo Kovacic ayaa ka soo dhaqaaqay naadiga Inter Milan xaggaagii hore markaas oo tababare Rafa Benitez uu ka soo fara maroojiyay Liverpool oo kula loolamaysay.

Laacibka ayaa haatan u muuqda mid ku wajahan kooxda AC.Milan suuqa kala iibsiga ee xaggaagan maadama qudhiisu uu doonayo inuu ku biiro koox uu ka heli karo boos joogto ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close