Liverpool oo aqbashay dalab Crystal Palace ay ka gudbisay Christian Benteke

Christian Benteke will now have a medical and talk personal terms with Crystal Palace

(Liverpool) 19 Agoosto 2016 Liverpool ayaa aqbashay dalab lagu doonayo weerar yahankeeda reer Belgium ee Christian Benteke kaas oo la joogay kaliya hal xiliciyaareed.

Sky Sports ayaa ogaatay in Liverpool ay aqbashay dalab ku kacaya 32 milyan oo Ginni oo kooxda Crystal Palace ay ka soo gudbisay Christian Benteke.

Liverpool ayaa horay u soo diiday laba dalab oo kan ka horeeyay oo kooxda Crystal Palace ay hordhigtay dhigeeda Liverpool suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Kooxda macalin Jurgen Klopp ayaa kula soo wareegtay Christian Benteke aduun dhan 32.5 milyan oo Ginni xaggaagii hore markaas oo uu ka soo dhaqaaqay kooxda Aston Villa, wuxuuna u dhaliyay 10 gool.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dalabka Crystal Palace uu yahay 27 milyan oo Ginni oo lagu darayo 5 milyan oo ah lacago kale oo dheeraad ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close