Rio 2016: Neymar oo dhaliyay Goolkii ugu deg degta badnaa Taariikhda Olombikada xilli Brazil u soo baxday Final

3735F90100000578-3742936-image-a-3_1471338391527

(Rio), 17 Agoosto 2016     –Xulka Qaranka Waddanka Brazil ayaa u soo gudbay ciyaarta kama dambeysta ah ee Tartanka Olombikada Brazil 2016 kaddib markii maanta ay 6-0 ku xaaqeen xulka Honduras.
Weeraryahanka Brazil, Neymar ayaa dhaliyay goolkii ugu dhaqsaha badnaa taariikhda Olombikada kaas oo uu xaqiijiyay markii ay ciyaartu socotay 14 Ilbiriqsi, waxaana goolasha kale Brazil u dhaliyay Mar Gabriel Jesus 2′ gool, Marquinhos, Luan iyo Neymar oo gool labaad ku soo xiray ciyaarta.
Brazil waxay ciyaarta kama dambeysta ah la dheeli doonaan midkood xulalka Nigeria ama Jarmalka oo ahaa xulkii 7-1 ku ceebeeyay Koobkii Adduunka 2014, waxaana Brazil ay ku taamaysaa in ay ku guuleystaan Koobkoodii ugu horreeyay ee Olombiko ah iyadoo la ogsoon yahay in ay ku khasaareen ciyaartii kama dambeysta ahayd ee 1984, 1988 iyo 2012.

El jugador brasileño Neymar celebra el sexto gol ante Honduras.

Gabriel Jesús (d) de Brasil celebra su gol ante Honduras con su compañero Neymar (i).

Gabriel Jesus oo la dabaal degaya Neymar markii uu dhaliyay gool kulankii Honduras

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close