RASMI: Riyad Mahrez oo heshiis afar sanadood ah u saxiixay Leicester City

CqFLJK8WAAAKTAA

(Leicester), 17 Agoosto 2016     –Xidigga Garabka uga ciyaara kooxda Leicester City ee Horyaalka Ingiriiska, Riyad Mahrez ayaa heshiis cusub oo afar sanadood ah u saxiixay naadigiisa xilli ciyaareedkii hore ku guuleystay Horyaalka Premier League.

Mahrez oo u dhashay Algeria, isla markaana 25 sano jir ah ayaa aad loola xariirinayay sanadkan in uu ku biirayo kooxda Arsenal, balse haatan waxa uu illaa 2020 la sii joogi doonaa Leicester.

Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay waxa uu Leicester u dhaliyay 17 gool, halka 11 goolna uu saaxiibadii ku caawiyay, waxaana loo magacaabay xidiggii ugu fiicnaa sanadka ee Ingiriiska.

Waxa uu ku biirayaa saaxiibadiisa kale ee kala ah Wes Morgan, Jamier Vardy, Kasper Scheichel iyo Andy King kuwaas oo qallinka ku jiiday heshiisyo cusub oo ay u kordhiyeen kooxdani.

Mahrez waxa uu Leicester ku soo biiray 2014 isagoo ka yimid dhinaca kooxda Le Havre ee Faransiiska.
Dhanka kale Tababaraha kooxda Leicester, Claudio Ranieri ayaa isna dhowaan qandaraas 4 sanadood ah u kordhiyay naadigan taariikhda u dhigay Horyaalka Ingiriiska.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close