RASMI: Mario Gomez oo dib ugu laabtay horyaalka Germany ee Bundesliga

(Wolfsburg) 17 Agoosto 2016 Weerar yahanka xulka Germany ee Mario Gomez ayaa dib ugu laabtay horyaalka dalkiisa hooyo ee Bundesliga kadib markii uu katagay kooxda Besiktas oo uu amaah ugu ciyaarayay xiliciyaareedkii hore.

Kooxda Wolfsburg ee dalka Germanka ayaa shaacisay inay la soo wareegtay weerar yahankii hore ee Bayern Munich ee Mario Gomez.

Mario Gomez ayaa katagay kooxda Fiorentina xaggaagii hore markaas oo uu amaah ugu biiray kooxda Beskitas ee dalka Turkiga, qalalaasihii siyaasadeed ee ka dhacay halkaas ayaana ku qasbay inuu dib ugu soo laabto dalkiisa.

Wolfsburg ayaa kula soo wareegtay Mario Gomez aduun dhan 7 milyan oo euro, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsanyahay ku biiridiisa Wolfsburg.

“Waxaan diyaar u ahay loolan cusub, wada hadaladii aan la yeeshay agaasimaha ciyaaraha iyo tababaraha waxay ahaayeen kuwo fiican” ayuu yiri Mario Gomez.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan dib ugu soo laabto Bundesliga” ayuu sii raaciyay weerar yahankii hore ee kooxda Bayern Munich kaas oo lambarka 33 u xiran doona kooxdiisa cusub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close