RASMI: José Ernesto Sosa oo AC Milan ku biiray + Sawirro (Lambarkee qaatay?)

(Milano) 18 Agoosto 2016 – AC Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay qaadatay laacibka khadka dhexe ee Jose Sosa oo ka yimid kooxda Besiktas oo laga siistay €7.5m.
Kooxda Rossoneri ayaa cayrsanaysa laacibkan caalamiga ah ee reer Argentina xagaagii oo dhan, isagoo caafimaadka u maray maanta.
“Heshiis ayaan la gaarney Besiktas: José Ernesto Sosa waa laacib AC Milan ka tirsan, kaasoo nala joogi doona ilaa iyo 30-ka Juunyo 2018. Nasii wacan José!” ayuu u dhignaa war kasoo baxay Milan.
War kasoo baxay Besiktas ayaa isna sheegaya in laacibka looga qaatay €7.5m, isagoo xirtey lambarka 23-aad isla markaana safan kara isla kulanka furitaanka horyaalka ee ay Axadda Milan la leedahay Torino.
”Waa riyo inaan halkan imaaddo waase mas’uuliyad sidoo kale, waxaanna ku dadaali doonaa inaan u dagaallamo funaanaddan” ayuu yiri Sosa oo horay ugusoo dheeley Bayern Munich, Atletico Madrid iyo Napoli.
Gool FM